Erayo jaceyl ah oo macaan

 Subaxii uma baahni inaan saacadeyda ku xirto al


armi si aan u soo kaco, maxaa yeelay waxaad ku nooshahay wadnaheyga.

Fariintani waxay ku socotaa qoftii aan jeclaaday, jaceyl aan xad lahayn. Qoftii qalbigeyga guri ka sameysatay, jaceylkeedana ka dhigtay mid laabteyda suran.

Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo, nafteyda adiga ayeey ku tabeysaa oo ay ku qanacsantahay, iyada oo aanan ka fikireynin culelysyada imaan karaa mustaqablka.


Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo, taas waxaan u leeyahay oo sabab ah, qalbigayga. Waxaa igu adag joojinta daqiiqadihii aan wada qaadanay, waxaase taa iiga sii adag inaan ku waayo adiga. Xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay.


Dhoolacadeyntaadu waxay ii tahay wehel, wehel oo kaliya iima tihid ee waxaa sidoo kale tahay dareenkeyga. Ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaa. Ma tihid wadnaheyga laakin waxaan diyaar u ahay inaan xanuun walbaa kula dareemo.

Jawigu waa mid aad qurux badan, jaceylkuna waa dareen aad u macaan laakin waa goortee? Iska fahan waa goorta aan aniga iyo adi jaceylka wadajir u daadihino.


Post a Comment

0 Comments